Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Shirguddoomiyay shir looga hadlayay xasillinta deegaannada lagala wareegay Maleyshiyaadka Alshabaab

508

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shirguddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada lagala wareegay AS iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Wasaaraha Amniga, Arrimaha gudaha, Cadaaladda iyo Dastuurka iyaga oo soo bandhigay qorshooda ku aaddan adeegyada ay u baahan yihiin bulshada deegaannada la xoreeyey, sida caafimaadka, waxbarashada, garsoorka, sugidda amniga iyo dib-u-heshiisiinta.

“Ra’iisul Wasaare Xamse oo tilmaamay ahmiyadda ay xukuumaddiisu siineyso gaarsiinta adeeggii dowladda goobaha la xoreeyey, ayaa faray wasaaradaha ku shaqada leh in si deg-deg ah dhulka la xoreeyey looga hirgeliyo adeegyada asaasiga ah.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka socda ilaa inta dalka oo dhan laga saarayo. Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay kulanka.

Guud ahaan Goballada Dalka ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan ah AS, kaas uu ku baaqay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo booqday qaar ka mid ah deegaanno ay Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka ay kala wareegeen AS, kuwaas oo ay ka talinayeen in ka badan 10 sano.