Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Oo Aqalka Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka

507

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashandhiga Dowlada Federaalka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

 

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur jaamac Oo Goordhaw Kismaayo Soo Gaaray ayaa Kullan Laqaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Waxaana Kullanka Masuuliyiinta Ku Wehliyay Saraakiil Ka kala Tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland.

 

Ahmiyadda Kullanka Ayaa Diiradda lagu saaray Dardargelinta Dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab xilli Lafilaayo Maalmaha Soo Aadan Inay Deegaanada Jubbaland ka Bilawdo Dagaal Maleeshiyaadka Al-Shabaab Looga Saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin Jubbaland

 

Dhinacyada Ayaa Isla Meel Dhigay Ahmiyadda Dalka Looga Xoraynayo Khawaarijta Al-Shabaab waxaana Dawladda Jubbaland Dhankeedda Ballanqaaday Inay Diyaar Utahay Gulufka Dagaal Ee Dalka Looga Xoraynayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab