Jubbaland Oo Gudoontay Gurmadkii Ugu Badnaa Ee Loogu Tallagalay Dadka Ay Abbaaruhu Sameeyeen

514

Inkasto guud ahaan dalka ay ku dhufatay abbaar daran hadana Jubaland waxay kamid tahay meelaha Sida aadka ah looga dareemay abaarta dalka ka jirta taas oo sababtay cuno yari baahsan iyo meelaha qaar oo biyo la’aan ay ka jirto.

Iyadoo ay sidaas tahay hadana waxaa socday bilahii lasoo dhaafay gurmadka Dowlada Jubaland ay ugu jirto sidii culayska abaartaas ay keentay looga khafiifin lahaa dadka danyarta ah hadana mar walba dadaaladaas waxay u baahnayeen kaalmo caalami ah.

Dowlada isutaga Imaaradka Carabta ayaa marar kala duwan gurmad noocyo badan leh lasoo gaartay deegaanada Jubaland si duruufaha adag ay ula qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed hadana markan way ka badalan tahay oo waxaa ay u muuqataa in abaartu ay macaluul isku badashay kadib roobab xoog leh oo ay ku dhamaadeen xoolaahii yaraa ee u haray dadka ree miyiga ah sidoo kalana fatahaada wabiga Jubba ayaa saamayn ku yeelatay wax soo saarka beeraha.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ugu deeqday Jubaland deeq rashiinka noocyadiisa kala duwan ah oo dhan Kun tan iyadoo maanta dekedda Magaalada Kismaayo ay soo gaartay Sadex boqol iyo toban tan oo kamid ah deeqdan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka Mudane Axmed Xasan Cumar ayaa la wareegay deeqdan isagoo uga mahad celiyay tageerada shacabka iyo Dowlada imaaradka carabta ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.