Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku fulisay laba askari oo hore uga tirsanaa ciidamada Jubbaland kuwaa oo siyaabo kala duwan dilal uga geystay magaalada KIsmaayo.
Gacan-ku-dhiigleyaasha dilalka lagu fuliyay ayaa kala ahaa;
1. Weyrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii Nov, 2020 Toori ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Roobow.
2. Yuusuf Xuseen Cabdi oo isna Taariikhdu markay ahayd 17-Nov, 2021 dil u geystay Marxuum Dable Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Suuli.
Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo aqrinayay warqadda xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in maanta ka oofiyeen qiysaasta dilalkii ay geysteen labada gacan-ku-dhiigle ee kor ku xusan,