Shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyey Kigali

473

Magaaladda Kigali ee caasimadda Dalka Rwanda ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka wada xaajoodka shuruucda  muhiimka u ah arrimaha maamulka maaliyada dalka,geedi socodka hanaanka deyn cafinta iyo sidoo kale diyaarinta iyo turxaanbixinta miisaaniyadda dalka ee sanadka 2023 kaasoo maalimihii la soo dhaafay halkan ka socday.

Shirka oo xiritaankiisa uu goob-joog ka ahaa guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshir ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowlada ee Golaha Shacabka BJFS ayaa sheegay in shirka mudadii uu socday looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga dalka.

Sidoo kale guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa isku filnaansho dhaqaale.