Dowlada Mozambique oo markii ugu horreysay gaas u dhoofineysa Yurub

472
Dalka Mozambique ayaa bilaabay in markii ugu horreysay uu gaaska dabiiciga ah ee dareeraha u dhoofineysaa Yurub, madaxweynaha dalkaas Felipe Nyusi ayaa ku timaamaytallaabo taariikhi ah
Waxaa gaaskan oo saartay warshad ay maamusho shirkad laga leeyahay Talyaaniga oo lagu magacaabo Eni balse shirkadda weyn ee shidaalka ee British BP ayaa ku guuleystay xuquuqda iibsiga gaaskan
Gaaskan ayaa waxaa lagu qaaday Markab xamuulka qaada oo laga leeyahay Britain kaasoo ku wajahan Yurub balse lama ogo halka si rasmi ah loo geynayo
Mozambique ayaa ku rajo weyn inay kamid noqoto dalalka adduunka ugu horreeyo dhoofinta gaaska dabiiciga ah kadib shidaal laga helay gobolka Cabo Delgabo sanadkii 2010-kii.