Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Magaalada Muqdisho Ka Daah Furay Kacdoon Cusub

607

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray kulamo Dadweyne oo ay Shacabka Gobolka Banaadir ku taageerayaan Kacdoonka Shacabka iyo midka Ciidamada Qalabka sida ee ka socda Gobolada dalka.

Kulanka ayaa ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana lagu daah furay Degmooyinka iyo Deegaanada Qeybta Bari ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Bulshada Gobolka Banaadir ee Caasimada Magaalada Muqdisho kula dardaarmay in ay qeyb ka noqdaan Kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo la shaqeenaya Laamaha Amaanka.