
Degaanka Qaayib oo saakay weerar Gaadmo ah ku qaadeen Ururka Al-shabaab ayaa waxaa gaaray Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo u wehliyo Sanator Saciid Siyaad Shirwac iyo Masuuliyiin kale.
Wasiirka Amniga ayaa ciidamada Qalabka sida, Kuwa Galmudug iyo Ciidanka Degaanka ku amaanay siday uga hortageen weerarkii Al-Shabaab iyo khasaaraha xooggan ay gaarsiiyeen
Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in la sii wado howlgalka dalka looga saarayo Al-Shabaab ka maamul ahaana ay diyaar u yihiin inay kaalintooda ka qaataan.