Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano dhowr ah

543

Howlgal uu horkacayay GudDoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax kana dhan ahaa Al-Shabaab ayaa laga sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa howlgalka kula wareegay tuuloyinka kala ah, Balow,Murugey, Siigoole,Moora guusha ,Culo goof,Ceel hubeer, Culo bar baare, Culo biyoole, Gabaherig, Goobaale oo dhaca xuduuda Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in  Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanada uu howlgalka ka dhacay ,Ciidamada Xooga dalka, Daraawiishta koonfurgalbeed ayaa howlgalka ka gacan siiyay Maamulka Gobolka.

Dhinaca masuuliyiinta ayaa  kormeer ku tagay deegaanno dhawaan ay ka dhaceen  dirir u dhaxeysay beeleed, iyagoo odayaasha dhaqanka aan boorinay dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Nabada.