Madaxweyne Deni oo goordhow furaya Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland

600

Waxaa lagu wadaa in goordhow Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal in uu ka furmo Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland, waxaana furi doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ammaanka Magalada Garoowe aad ayaa Maanta loo adkeeyay, waxaana hadda xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe kusii qul qulaya Xildhibaannada maamulkaas.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa kulanka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida amniga iyo doorashada qof iyo codka ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray guux siyaasadeed oo ahaa in Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ay laba qeyb isku khilaafsan yihiin, isla markaana ay badi kasoo horjeedaan siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.