Ciidanka xoogga dalka oo weli howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ka wada degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay Maanta Al-Shabaab kala wareegeen degaano dhowr ah oo kuyaalla gobolkaas.
Howlgalka oo uu horkacayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo sidoo kale kamid ah Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay kula wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo dhammaantood ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Deegaanada ay Ciidamada la wareegeen ayaa ahaa kuwa muhiim u ahaa Al-Shabaab , waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay qorshe leesugu furayo degmooyinka Gobalka sidoo kalana Gobolka Shabeellaha Dhexe looga saarayo Al-Shabaab.
Muddo todobaad ah ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxana ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa ay amniga ka xaqiijinayaan.