ku dhawaad 100 Itoobiyan ah oo xabsiga la dhigay & sababta oo la cadeeyay

613

Maamulka gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay qabteen 97 qof oo Itoobiyaan ah oo looga shakisan yahay in ay dadka tahriibiyaan.

War saxaafadeed uu soo saaray xafiiska isgaarsiinta degmada Bati ee gobolka Axmaarada ayaa lagu sheegay in 52 rag ah iyo 45 dumar ah ay dhawaan ciidamada amaanku qabteen kuwaas oo la sheegay in loo tahriibinayey meel aan la shaacin.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadka oo ay ku jiraan caruur ay da’doodu u dhaxeyso 13 ilaa 15 jir la rumeysan yahay in Sacuudiga ay u socdeen. Waxa ay sidoo kale sheegtay in booliisku ay qorsheynayaan in ay sii daayaan 97-da shaqsi ka dib markii la siiyo tababaro ku saabsan khatarta tahriibka.

Ka ganacsiga dadka ayaa soo mara saddex waddo oo kala duwan, iyadoo tan waqooyi ay sii marto Suudaan, Liibiya iyo badda Mediterranean-ka si ay u gaarto dhul weynaha Yurub. Waddada labaad waxay maraysaa dhinaca bari ee Soomaaliya, Jabuuti iyo Badda Cas, si ay u gaadho Sucuudiga. Midka saddexaad waxa uu koonfurta sii maraa Kenya, Tanzania iyo Mozambique si uu u gaadho Koonfur Afrika.

Itoobiya ayaa sanadihii ugu dambeeyay xoojisay sharciyada daryeelka caruurta iyo sharciga ka hortaga tahriibka si loo ilaaliyo kumanaanka qof ee aan qaan-gaarin iyo dhalinyarada kuwaas oo lagu qiyaaso in sanad walba loo tahriibiyo meelo kala duwan oo shisheeye ah.