Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

587

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya oo weli ku sugan degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa halkaasi ka wada howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo Maanta weeraray degaan ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka NISA iyo Kuwa Haramcad ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey Tuulooyin u dhow deegaanka Basra ee wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada haramcad ayaa sheegay in howlgalka ay kudileen 9 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ujeedka howlgalkooda ahaa, balse aysan sheegin khasaraha soo gaaray dhinacooda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in Shacabka looga baahan yahay inay cabsida iska daayaan, isla markaana ay sitoos ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa dhawaan ka bilaawday kacdoon ka dhan a Ururka Al-Shabaab, kaas oo keenay in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay degaano dhowr ah ka saaraan Al-Shabaab.