Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay howlgalka lagula wareegay degaanka Basra

726

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa manta si buuxda  uga saaray Al-Shabaab deegaanka Basro oo isku xira Magaalada Muqdisho iyo gobollada Shabeellooyinka

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka Al-Shabaab looga saaray deegaanka Basra iyo tuulooyinka u dhow dhow.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa degaannada laga saaray Al-Shabaab u sheegtay 9 deegaan oo ku teedsan wabiga Shabeelle, kuwaas oo kala ah: 1. Basra 2. Sabyo 3. Baqdaad 4 . Beled Al-kariim 5. Baldooska 6. Alifoow 7. Muryaley 8. Daniga Balow 9. Buula Xansholey.

“ Shan ka tirsan Alshabaab ayaa lagu dilay tuulada Baqdaad Intii lagu jiray hawlgalka iska hor imaad dhex maray geesiyaasha qaranka iyo argagixisada, waxaana nooga shahiiday hal askari ayaa lagu yiri
Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta.

Deegaannada Maanta laga saaray Al-Shabaab oo isku xira goballada Banaadir, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa Al-Shabaab waxa ay ku lahaayeen maxkamad dadka ay uga yeeri jireen iyo xarumo ay ka soo abaabuli jireen qaraxyada iyo weerarada ay ku qaadayaan Goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda & kuwa howlgalka ATMIS.