Shir Sadex maalin soconaya oo looga hadlaayo arimaha xasilinta oo wasaaradaha Arimaha gudaha heer federal iyo heer dowllad gobolleed uga furmay magaalada Kismaayo.

549

Shirkan oo ahaa mid ay isugu yimaadeen agaasimeyaasha Wasaaradaha Dowlad goboleedyada dalka iyo Wasaarada arimaha gudaha dowlad federaalka Soomaaliya oo ay marti gelisay Wasaarada arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Shirka oo ku saabsanaa ka doodista mashruuca xasilinta dalka ayaa waxaa ay agaasimayaasha wada tashiyo ku aadan arintaasi ka yeelan doonaan sadex maalin ee soo socoto.

Ugu horayn agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Jubbaland Maxamed Kaamiil Yuusuf ayaa ka warbixiyey shirka iyo waxyaabaha looga hadlaayo maalmaha uu socod.

 

Agaasimeyaasha Wasaaradaha arimaha gudaha Dowllad goboleedyada Hirshabeele,Galmudug,Koofurgalbeed iyo wakiil ka socday agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha puntland ayaa halado kooban ka jeediyay furitaanka shirka.

Wasiirka kuxigeenka Arimaha gudaha oo shirka goob jog ka ahaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirka uu ka soo baxo qodobo dhaxal gal u ah umadda Soomaaliyeed.