
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shirka guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo maanta looga hadlay dardar-galinta howlaha hortabinta u leh hay’adaha Caddaaladda oo u dub dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo soo celiya kalsoonida bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xukumadda ka go’an tahay dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya wadajirka bulshadda Soomaaliyeed ,maadama cadaalad-darradu ay kamid tahay sababihii na dhaxalsiiyay qaran burburka
Tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo ka mid ah 6da tiir ee barnaamijka xukumadda Dan-qaran ayaa halbeegyadiisa ugu muhiimsan waxaa kamid ah dib-u-eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan ,Dhamaystirka Heshiiska Siyaasadeed ee Hannaanka Garsoorka Hay’adaha Cadaaladda, Daadajinta Adeegyada Garsoorka iyo dhiiri gelinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga iyo hir-gelinta maamul wanaag ku dhisan isla xisaabtan.