Wasiir Fiqi” Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa kusoo biirtay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab”

573

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in dagaalka xilligaan lagula jiro Ururka Al-Shabaab ee ka socda gobolada adlka ay kusoo biirtay dowladda Turkiga oo taageereysa Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay.

Wasiirka wuxuu sheegay in Diyaaradaha dalka turkiga ay duqeeyeen goobo ay isku aruursaneen ururka Al-Shabaab, si ay dhibaato u geystaan, isla markaana ay beegsadaan meelaha culeyska weyn laga dareemo.

Waxaa Wasiirka wax laga weeydiiyay doorkooda howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab Ciidamada ATMIS, wuxuu sheegay in si kooban ay uga qeyb galeen, sida inay diyaarado kusoo qaadaan dadka ku dhaawacmo dagaallada.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin fiqi ayaa kusoo aadaya xilli Gobolada Hiiraan & Galgaduud ay ka socdaan howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda & dadka degaanka, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay Al-Shabaab.