Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan Nin habeen ka hor Xaafatul Carab ee Magaalada Boosaaso Nin kale kudilay.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabduqaadir Jaamac Dirir ayaa u mahad celiyay Shacabka qeyb ka ahaa Sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa Gacan ku dhiiglaha oo ay qeyb ay ka yihiin eheladii uu ka dhashay, isaga oo sidoo kaleĀ uga mahadceliyey sida wanaagsan ay bulshada ugarab taagan yihiin laamaha amaanka.
Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in laamaha Amniga ay markasta diyaar u yihiin inay ka hortagaan cid kasta oo falal Amni darro geysata, Isla markaana aysan aqbali doonin in dadka leyska dilo.
Dhowr jeer ayaa Magaalada Boosaaso iyo degaanada hoostaga waxaa ka dhacay dilal loo geystay dad Shacab ah wallow intooda badan dadkii ka dambeeyay ay gacanta kusoo dhigeen laamaha Amniga Gobolka Bari.