QM oo sheegtay in TPLF ay 570,000 oo litir oo shidaal ah ka dhacday WFP

600

Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegtay in ciidamada Jabhadda Tigreega ee TPLF ay 12 baabuur oo shidaal ah ka xadeen bakhaarka hay’adda cuntada adduunka ee WFP oo ku taalla magaalada Mekelle ee dalka Itoobiya.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa u sheegay suxufiyiinta New York in ciidamada Tigreega, subaxnimadii Ogosto 24, “si xoog ah u galeen” bakhaarka WFP ee Mekelle ayna “Dhaceen” 12 booyadood oo saliid ah. (570,000 litir).

“Kaydadkan shidaalka ah waxaa loo isticmaali lahaa oo keliya ujeeddooyin bini’aadantinimo iyadoo la qaybinayo cunto, bacrimiyeyaasha iyo agabka kale ee gargaarka degdegga ah,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa intaa ku daray in “Waayitaanka shidaalka ay saameyn doonto howlaha bani’aadanimo. ”

Qaramada Midoobay waxay cambaaraysay “bililiqada ama la wareegitaanka alaabta bini’aadantinimada ee goobaha samafalka.”

David Beasley, oo ah Agaasimaha WFP, ayaa ku tilmaamay dhacdadan “wax laga xumaado oo nasiib darro ah”.

“Saacado ka hor, mas’uuliyiinta Tigrayga waxay xadeen 570,000 oo litir oo shidaal ah oo loogu talagalay hawlaha @WFP ee #Tigray! Malaayiin qof ayaa macaluuli doona haddaynaan haysan shidaal aan cunto ku gaarsiinno. Tani waa foolxumo iyo ceeb. Waxaan dalbanaynaa soo celinta shidaalkan hadda,” ayuu ku soo qoray Twitter-ka Khamiistii.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa hore caro ka muujisay howlaha Qaramada Midoobay, iyo hadda oo ay Jabhadda Tigrayga bilaabeen in ay u dhacaan xafiisyadii Qaramada Midoobay.

Bishii Septermber 30-keedii dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda ka ceeyrisay Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Qaramada Midoobay, iyadoo sheegtay inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Milateriga dawladda federaalku waxay la dagaallamayeen kooxda TPLF tan iyo bishii Nofeembar 2020. Colaadda ayaa barakicisay ku dhawaad ​​1.2 milyan oo qof oo gudaha ah, halka kumanaan ay badbaado u raadsadeen dalka deriska ah ee Suudaan.