66 qof ayaa ku dhintay, kumannaan gurina waa ku burbureen daadad ku ku dhuftay Suudaan

669

Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha ka dashaay roobabka ka da’ay dalka Sudan ayaa gaartay 66 qof kadib markii ay mudooyinkii u danbeeyay roobab mahiigaan ah ay ka da’ayeen guud ahaan dalkaasi, sida ay sheegeen madaxda Suudaan
Qaar ka mid ah Gobollada Suudaan ayaa sannad walba la ildaran daadad iyo roobab lagu hoobto bilaha Ogosto iyo Sebtembar kuwaas oo geysta khasaare naf iyo maalba leh iyada oo dadku ay ku eedeeyeen dawladda in aanay qaadin tallaabooyin lagu dhimayo qasaaraha ka hor xilli roobaadka.

“Daadad ka dhashay roobabka, 66 qof ayaa ku dhintay 28 kalena waa ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri hadal uu soo saaray Golaha Qaranka ee Difaaca Madaniga ah
Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee (UN OCHA), roobabka iyo daadadka ayaa gabi ahaanba burburiyay 8,900 oo guri iyo 20,600 oo qeybo kamid ah uu burbur soo gaaray.

 

Daadadka, ayaa sidoo kale, qaaday 238 xarumood oo caafimaad iyo 1,560 ilo biyood ah waxayna waxyeello u geysteen dhul beereed gaaraya 18.9 km.
OCHA waxay ku qiyaastay in ku dhawaad 134,000 oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka guud ahaan Suudaan tan iyo bilowgii xili roobaadka ilaa 14kii Ogosto.

Warbixintu waxa ay tixgalisay in Wabiga Nile, Koonfurta iyo Waqooyiga Kordofan iyo Koonfurta Darfur ay yihiin meelaha ugu badan ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka.

Waxaa lagu qiyaasayaa in sanadkan ay Roobabka iyo fatahaaduhu ay saameeyn doonaan 46,000 oo qof, marka la barbar dhigo 314,500 oo qof oo ay saameeyeen sanaddii 2021.