Ruushka oo ku andacoonaya in Maraykanku uu si toos ah ugu lug lahaa dagaalka Ukraine

729

Doorka sirdoonka Maraykanka ee dagaalka ka socda Ukraine ayaa indhaha lagu hayaa ka dib markii Ruushku ku eedeeyay Aqalka Cad inuu bixiyo xogta bartilmaameedka ah ee Kyiv u adeegsato weerarada gantaalaha riddada dheer.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa ku andacootay in Washington ay “si toos ah ugu lug lahayd” dagaalka, ayna gudbisay sirdoono horseeday “dhimashada tirada badan ee rayidka”. Maraykanku wuxuu mas’uul ka ahaa weerarro gantaallo ah oo Ukraine ay ku qaaday goobaha dadku ku badan yahay ee bariga Donbas iyo gobollada kale, ayay tidhi.

“Dhammaan arrimahan oo dhan waxay caddaynayaan in Washington, ay si toos ah ugu lug leedahay iskahorimaadka Ukraine,” ayay wasaaraddu ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Maamulka Biden ayaa ilaa hadda bixiyay in ka badan $8bn (£6.55bn) oo ah kaalmada amniga ee Ukraine tan iyo duulaankii Ruushka ee Febraayo, oo ay ku jiraan $550m oo dheeri ah oo la soo bandhigay Isniintii. Laakiin waxay si adag u diidaysaa inay ka qayb qaadatay iskahorimaadka ama ay dagaal kula jirto Ruushka.

Maraykanku wuxuu siiyay Ukraine 16 Gantaallada noo casriga ahee loo yaqaan HIMARs ilaa hadda. Afar kale ayaa yimid usbuucan. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy, ayaa ku tilmaamay inay hakiyeen horumarka Ruushka ee bariga iyo koonfurta, isla markaana ay khasaare weyn u geysteen hawlgallada cadowga.