Mucaaradka Suuriya oo diiday ka qayb galka shirka Carabta ee Aljeeriya

651

Mucaaradka waqooyi-galbeed ee Suuriya ayaa muujiyay diidmadooda ka qaybgalka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Bishaar Al-asad ee shirwaynaha soo socda ee Jaamacadda Carabta ee loo qorsheeyay Algeria bisha November.

Waxa ay dhaleeceeyeen ku adkaysiga Algieria ee ah in ay ku casumayaan nidaamka Bashaar al-Asad ayadoo ay jirto dagaalka iyo dembiyada xulafadeeda ay ka gaysteen Suuriya 11-kii sano ee la soo dhaafay ee colaadaha.

Waxay ku dhaleeceeyeen Algeria in ay dadaal ugu jirto sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen dalalka kale ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabti in loo ogolaado Suuriya in ay ka qeybgasho.

Ururku wuxuu hakiyay xubinnimada Suuriya kadib dambiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee ka dhanka ah dadka Suuriya ee ay gaysanayso dowladda dalkaasi, burburinta guryahoodii iyo barakicinta malaayiin qof, ayuu xusay Ayman al-Cali oo xubin ka ah mucaaradka.

Mucaaradka ayaa sidoo kale cambaareeyay taageerada Aljeeriya ee nidaamka, kordhinta wada shaqaynta ay la leedahay iyo booqashooyinka rasmiga ah ee ay isweydaarsanayaan.

Aljeeriya ayaa u muuqata in ay ilowday dilka taliska uu ku dilay tobanaan kun oo Suuriyaan ah 11-kii sano ee lasoo dhaafay, duqeymaha uu ka geysanayo magaalooyinka, weerarada kiimikada, kufsiga haweenka ee xarumaha lagu hayo, iyo qodista xabaal wadareedyo lagu aaso maxaabiista la toogtay.

Idlib Ayham al-Hassan, oo 48 jir ah, ayaa sheegay in talisku uu lumiyay sharcinimadii Suuriya markii ay ciidamadooda ammaanku dileen muwaadiniintii ugu horreysay oo rasaas nool ay u adeegsadeen horraantii 2011-kii, markaasoo ay billowdeen mudaaharaadyada looga soo horjeedo maamulka.

Waxa uu soo xigtay burburinta in ka badan 70% magaalooyinka Suuriya, isaga oo u arkay dadaallada hoggaamiyeyaasha qaar ee ah in Suuriya iyo nidaamka Assad, dib loogu celiyo Jaamacadda Carabta “wax laga xishoodo.”

Waxa uu soo jeediyay in halkii ay ka raadin lahaayeen soo celinta, ay tahay in ay booqdaan 1,450 xero qaxooti oo u dhow xudduudda Suuriya iyo Turkiga, oo ay indhahooda ku arkaan dhibaatada dadka, oo ay dhegaystaan ​​codsiyadooda.

Akram Junaid oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda ayaa u arkayay “wax aan la aqbali karin” dadaalka madaxweynaha Algeria ee ah in uu nidaamka dib ugu soo celiyo Jaamacadda Carabta oo uu u ogolaado in uu ka qayb qaato shir madaxeedka.

Dadaallada caynkaas ahi waxa ay noqonayaan kuwo dib loogu soo celinayo sharcinimadii taliska, kaas oo dadka Suuriya kula kacay jirdil, dil, gaajo, xadhig iyo barakicin tii ugu darnayd.

Waxa uu ugu baaqay dowladaha Carabta in ay qaataan mowqif mideysan oo adag, islamarkaana ay dib u eegis ku sameeyaan talaabooyinka ay qaadeen qaar ka mid ah madaxda Carabta.