Falastiin oo dacwad ka dhan ah Xukuumadda Israa’iil u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM

584

Maamulka Falastiin ayaa u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay dacwad ka dhan ah xukuumadda ku meel gaadhka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Yair Lapid.

“Awoodda qabsatay (Israa’iil) waxay billowday olole sharci-darro ah oo ballaaran oo ay ku doonayso inay ku gumeysato dhulka Falastiiniyiinta ayna dhisto boqollaal unugyo kale oo la dejiyo,” PA ayaa xustay, iyada oo soo xiganaysa weerarrada rabshadaha wata ee ay ciidammada gumeysiga Israa’iil ku hayaan dadka rayidka ah ee Falastiin, oo ay ku jiraan carruurta.

Ergayga Falastiin ee Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa warqado u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweynaha  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay  iyo Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in awoodda qabsashadu ay si badheedh ah oo habaysan u gelayso dhammaan xad-gudubyada ay ku doonayso inay ku barakiciso falastiiniyiinta.

Mansuur ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in gumeysiga Israa’iil lagula xisaabtamo dembiyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Waxa uu dib u soo cusboonaysiiyay baaqii uu u jeediyay beesha caalamka, gaar ahaan golaha ammaanka, si ay u taageeraan sharciga caalamiga ah ee looga golleeyahay in lagu soo afjaro isla xisaabtan la’aanta, loona furo dariiq siyaasaddeed oo lagu soo afjaro gumeysiga, iyo in la xaqiijiyo xuquuqda lama-taabtaanka ah ee shacabka Falastiin.

Waraaqihiisa, Mansour waxa uu ku soo hadal qaaday qorshaha Israel ay ku doonayso in Dhulka la heysto ee Falanstiin ay uga dhisto ku dhawaad ​​2,000 oo kale oo deegaamayn sharci-darro ah.

“Tallaabadan waxay wiiqaysaa is-waafajinta dhulalka iyo horumarka iyo sii socoshada bulshooyinka Falastiiniyiinta,” warqadaha ayaa lagu qoray, iyadoo lagu xusay in kooxaha iyo malleeshiyooyinka deegaamaynta ay sii wadaan weerarrada ay ku hayaan Falastiiniyiinta iyo burburinta hantidooda.

Waraaqaha ayaa sidoo kale lagu soo xigtay warbixin uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) oo lagu sheegay in ciidamada Israa’iil ay burburiyeen, la wareegeen, ama ay dadka ku qasbeen in ay burburiyaan 51 dhisme oo ay Falastiiniyiintu ku leeyihiin bariga Jerusalem iyo meelaha kale ee la haysto muddo laba toddobaad, oo ay barakiciyeen 40 qof, oo ay ku jiraan 21 carruur ah, oo saamaysay nolosha ilaa 500 oo kale.