Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika oo Isniintii gaaray magaalada Qaahira

547

Sida lagu soo qoray bogga Twitterka ee Safaaradda Mareeykanka ee Qaahira ayaa lagu yiri;

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaad ​​1.3 bilyan oodollar oo gargaar bini’aadannimo siisa Geeska Afrika, taasoo gacan ka geysaneysa yareynta gaajada ka jirta meelaha ay sida daran u saameysay dhibaatooyinka cunnada eeadduunka.

Hammer waxa uu booqasho ku tagayaa Masar, ImaaraadkaCarabta, iyo Itoobiya laga bilaabo Luulyo 24 ilaa 1da Ogosto.

Wuxuu siin doonaa taageerada Maraykanka si loo sameeyogo’aan dublamaasiyadeed oo ku saabsan arrimaha la xidhiidha biyo xidheenka Itoobiya kaas oo lagu gaari karodanaha dhammaan dhinacyada oo gacan ka geysanaya in la helo gobol nabdoon oo barwaaqo ah,” ayaa lagu yiri Bayaanay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda

Inta uu joogo Adis Ababa, Hammer wuxuu sidoo kale la tashan doonaa Midowga Afrika,  oo garwadeen ka ahwadahadallada arrimaha la xiriira biyo-xigeenka.” ayayraacisay.

Waxaa intaa dheer, inta uu joogo Itoobiya, Ergeyga Gaarkaah Hammer wuxuu heli doonaa fursad uu dib ugu eegohorumarka laga gaaray gaarsiinta gargaarkabini’aadantinimo, iyo la xisaabtanka xadgudubyadaxuquuqul insaanka iyo sidoo kale dadaallada laguhorumarinayo wadahadallada nabadeed ee u dhexeeyadawladda Itoobiya iyo maamulka Tigrayga,” ayaa lagu yiribayaanka ay soo saartay waaxda arrimaha dibaddaMareeykanka. .

Bayaan ayaa sido kale lagu sheegay in dowladda Mareyknkaay ka og’antahay horumarinta dadaallada diplumaasiyadeedee lagu taageerayo geeddi-socodka siyaasadeed oo loo dhanyahay, si loo gaaro nabad waarta, amni iyo barwaaqodhammaan dadka Itoobiya.

16-kii Bishan Luulyo, kulan ay magaalada Jeddah kuyeesheen Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyodhiggiisa Masar Abdel Fattah El-Sisi Jeddah ayuu sheegayin Mareykanku uu taageerayo ammaanka biyaha Masar.

Labada hoggaamiye waxay ku celiyeen sida ay lagamamaarmaanka u tahay in la soo gabagabeeyo heshiis kusaabsan biyo xireenka iyada oo aan dib loo dhigin sida kucad Bayaanka Madaxweynaha ee Golaha Ammaanka eeQaramada Midoobay ee ku taariikhaysan Sebtembar 15, 2021, lana waafajiyo sharciga caalamiga ah.” Aqalka Cad ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri.

Sidoo kale, dhammaan hoggaamiyeyaasha shir madaxeedkagobolka ee Jeddah, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaashaGolaha Iskaashiga Khaliijka, Masar, Ciraaq, Urdun iyoMaraykanka ayaa xaqiijiyay inay taageerayaan ammaankabiyaha Masar sida lagu dhawaaqay shir madaxeedka 16-kii Luulyo.

Marka laga hadlayo biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), madaxdu waxay ku celceliyeeninay taageerayaan ammaanka biyaha Masar iyo in la sameeyo go’aan diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayodanaha dhammaan dhinacyada oo gacan ka geysta nabaddaiyo barwaaqada gobolka.