Ranil Wickremesinghe ayaa ku guuleystay Doorashadii madaxweynaha Syrilanka, xilli ay dalkaasi ka socdaan mudaaharaadyo

505

Raiisel wasaaraha Sri Lanka, Ranil Wickremesinghe, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweyne si uu u bedelo Gotabaya Rajapaksa oo dahwaan xilka laga tuuray, natiijadaas oo ay u badan tahay inay qalalaase ka dhex abuurto dibadbaxayaasha oo toddobaadyo ugu baaqayay inuu iscasilo.

Wickremesinghe, oo lix jeer soo noqday ra’iisul wasaare, ayaa guul weyn ka gaaray baarlamaanka subaxnimadii Arbacada, halkaasoo mudanayaasha baarlamaanka ay ugu codeeyeen madaxweynaha cusub codayn qarsoodi ah oo aan horay loo arag.
Codbixinta ayaa timid ka dib markii mudaaharaadayaashu ay Rajapaksa ku qasbeen inuu xafiiska ka tago iyada oo ay ka cadhoodeen dhibaato dhaqaale oo isa soo taraysa.

Wickremesinghe ayaa wajahaya dhibaatooyin adag oo kusoo fool leh iyadoo Sri Lanka ay curyaamisay dhibaatadii dhaqaale ee ugu darneyd tan iyo markii ay xornimada qaadatay, dalkaasi uu wajahayo cunto iyo shidaal yari, sidoo kalena uu la daala dhacayo qalalaase siyaasadeed oo ballaaran.

Waxaa waddooyinka ka dhacay iska caabin xooggan iyo mudaaharaadyo looga soo horjeedo madaxweyne Wickremesinghe. Dad badan ayaa ka baqaya inuu ka ilaaliyo Rajapaksa in lala xisaabtamo oo uusan kicin isbeddelka nidaamka ee ay dalbanayaan dhaqdhaqaaqa mudaaharaadka.

Maalmihii la soo dhaafay, Wickremesinghe, oo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah usbuucan, ayaa soo saaray bayaanno uu ku muujinayo inuu wax ka qaban doono bannaanbaxyada haddii uu noqdo madaxweynaha.

Wax ka yar saacad ka dib markii lagu dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha, ayaa waxaa la soo saaray amar maxkamadeed oo mamnuucaya in lagu soo ururo meel 50 mitir u jirta taallo ay didbaxayaashu maalmihii u danbeeyay isugu soo ururayeen oo ku taal magaalada Colombo.
Khudbad uu jeediyay kadib guushiisa lagu dhawaaqay, Wickremesinghe wuxuu ka codsaday xisbiyada mucaaradka inay la shaqeeyaan. “Uma baahni in aan idiin sheego heerka uu dalkeenu marayo, hadda doorashadu waa dhammaatay waa in aan soo afjarno kala qaybsanaantan. Waxaan haysanay 48 saacadood oo aan ku kala qaybsanayn laakiin hadda wixii ka dambeeya waxaan diyaar u ahay inaan wada hadal idinla yeesho,” ayuu yidhi.

Doorashada Wickremesinghe ayaa daba socota toddobaad xiisado ah oo ka dhacay Sri Lanka, xilligaasoo Rajapaksa la riday ka dib markii xafiisyadiisii iyo qasriga madaxtooyada ay soo galeen kumanaan mudaaharaadayaal ah, Iyada oo ay caradu jirto, Rajapaksa waxaa lagu qasbay inuu u baxsado Singapore isagoo sii maraya Maldives, istiqaaladiisana waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Jimcihii la soo dhaafay.
Tani waxay ahayd markii ugu horeysay taariikhda Sri Lanka ee madaxweyne ku-meel-gaadhka ah uu xilka ka tuuro dhaqdhaqaaq mudaaharaad ah.
Wickremesinghe, oo 73 jir ah, ayaa taageero ka helay xisbiga talada haya ee Sri Lanka Podujana Peramuna (SLPP), oo haysta kuraasta ugu badan ee baarlamaanka, waxaana loo arkayay inuu yahay murashaxa ay u xaglinayaan qoyska Rajapaksa, oo inkasta oo aanu hadda xukunka haynin ay saamayn weyn ku leeyihiin. xisbigii ay samaysteen.