Thomas Tuchel ayaa aaminsan in Kalidou Koulibaly uu yahay ‘Saxiixa cajiib ah’ isla markaas uu kooxdiisa keeni doono khibrad iyo waliba tayo.
Chelsea ayaa dhameystirtay heshiiska Koulibaly sabtidii iyada oo xiddiga reer Senegal qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah.
Koulibaly ayaa ku dhawaad 10 sano ku qaatay Napoli isaga oo u saftay 317 kulan isaga oo ka mid noqday daafacyada ugu fiican adduunka.
Tuchel ayaa doonayay in uu xoojiyo daafaciisa kadib markii uu waayay xiddigaha Antonio Rudiger iyo Andres Christensen.
Tababare Tuchel oo ka hadlaya saxiixiisa cusub ee Koulibaly ayaa yidhi”Waxa uu keeni doonaa tayo iyo khibrad, waa difaac tayo leh, Waxana uu si weyn u caawin karaa kooxda”.
“Waa saxiix kale oo cajiib ah oo aan samaynay waxana aan rajaynayaa in uu dhawaan muujin doonto tayadiisa”ayuu sii raaciyay.