
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB Gaar ahaan Ururka 5-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal Qorshaysan oo lagu dilay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ka sameeyey degaanka labakuus oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.
War kasoo baxay Ciidanka DANAB ayaa lagu sheegay in degaanka labakuus ay Al-Shabaab ku lahayeen bar kantarool oo ay lacag uga qaadan shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeeran sakawad oo xoolaha shacabka Somaliyeed looga qaado.
Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska DANAB ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu dilay 5 katirsan Al-Shabaab oo uu ka mid yahay Sarkaalkiii Al-Shabaab u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Xubnaha Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka Al-Shabaab looga soo furtay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, welina howlgalka ay sii wadaan.