Guddiga fulinta ee JAJ oo kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland waxay ka wada hadleen hindise sharciyeedka saxaafadda iyo arrimo kale oo saxaafada quseeya.

644

Kismaayo, Luuliyo 17, 2022 — Kulanka Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland iyo Guddiga Fulinta ururka saxafiyiinta Jubaland (JAJ) ayaa waxaa looga hadley sidii dowladdu ay u dar dar gelin lahayd horumarinta sharciga saxaafadda ee Jubaland oo hadda qabyo-qoraal ah iyo sidoo kale mawduucyo kale oo khuseeya arimaha saxaafada, oo ay ku jiraan xorriyadda iyo madax-bannaanida saxaafadda, iyo Wariyaasha loo fududeeyo helista xogta madaxtooyada, baarlamaanka iyo dhammaan hay’adaha kale ee dawladda.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo booqashadooda uga mahadceliyey xubnaha guddiga fulinta ee ururka JAJ ayaa bogaadiyey hannaanka dimoqraadiyadda ah ee lagu doortay hoggaanka ururka bishii Oktoobar 2021, wuxuuna sheegay in uu si dhow ula socday oo uu aad ula dhacay hannaanka dimoqraadiyadeed ee ay suxufiyiinta Jubaland ku doorteen hogaanka ururkooda. Sidoo kale, Madaxweyne-ku xigeenku waxa uu hoggaanka ururka kula dardaarmay inay si hufan oo siman u metelaan danaha suxufiyiinta.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa intii uu socday kulanka waxa uu sheegay in dastuurka Jubaland uu ilaalinayo xoriyadda saxaafadda iyo madax-bannaanideeda, dowladdana ay ka go’an tahay dhiirigelinta madax-bannaanida saxaafadda iyo in saxafiyiinta ay si xor ah u gutaan waajibaadkooda. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay xorriyatul-qawlka iyo helista xogta, isagoo sidoo kale sheegay in dowladda Jubaland ay ku taagan tahay go’aankeeda ku aadan illaalinta xuquuqaha aasaasiga ah.

“Saxaafaddu waa muhiim, sababtoo ah waa waxa kaliya ee isku xira ummada Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale, marka laga hadlayo awoodaha dowladda ee saxaafadda waxaa la sheegaa in ay tahay awoodda afaraad, inkastoo hadda sidoo kale la yiraahdo waa awoodda ugu koowaad, laakiin maanta dunidan casriga ah, doorka saxaafadda lama dafiri karo,” ayuu yiri Mudane Maxamuud Sayid.

Madax-banaanida Saxaafaddu waa arrin dastuuri ah, waxaa jirta wasaarad u xilsaaran arrimaha saxaafadda, wixii dhib ah iyo wixii caqabad ah ee ay saxaafaddu la kulanto waad la wadaagi kartaan,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka oo intaas ku daray “Mar walba waxaanu diyaar u nahay inaanu idin taageerno. idin dhiiri gelino, difaacno sharaftiins, idinku awoodsiina kartida iyo aqoontiina in aad wax wanaagsan ugu horseedaan bulshadiina.

Mudane Cabdullahi Cabdirixamaan Maxamed Xoghayaha-Guud ee Ururka Saxafiyiinta Jubaland (JAJ) ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne ku xigeenka sida uu u soo dhoweeyey, isagoo ka sheekeeyey muhiimadda kulankaan, wuxuuna faahfaahiyey qodobadii laga hadlay.

“Waxaa farxad noo ah in Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan uu maanta xafiiskiisa ku qaabilo guddiga fulinta ee JAJ, anaga oo ka wada hadalnay sidii dowladda Jubaland ay u dhiirigelin lahayd xoriyadda saxaafadda iyo in saxafiyiinta loo fududeeyo helista xogta iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta warbaahinta iyo hay’adaha dawladda, iyadoo sidoo kale la illaalinayo xuquqda suxufiyiinta iyo xoriyaddooda,” ayuu yidhi Cabdullaahi.

“Waxaa naga go’an ka urur ahaan inaan u doodno suxufiyiinta oo ay danahooda ka matalno xafiis kasta oo muhiim ah,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay xoghayaha guud ee JAJ.