Madaxweynaha Mareeykanka Joe Biden oo sheegay in uu awood u adeegsan doono iiraan si looga horistaago Hubka Nukliyeerka

556

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu awood u adeegsan doono sidii uu uga hortagi lahaa in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah, xilli uu bilaabay safar uu ku tagayo Bariga Dhexe.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil oo la duubay ka hor inta uusan ka tagin Washington Talaadadii, laakiin la sii daayay Arbacadii, Biden wuxuu sheegay inuu ku sii hayn doono Ilaalada Kacaanka Iran  liiska Ururada Argagaxisada Dibadda ee Mareykanka (FTO) xitaa haddii taasi ay baabi’inayso heshiiskii Nukliyeerka ee Iran 2015.

Mar la weydiiyay hadii hadaladiisii ​​hore ee ahaa inuu Tehran ka hor istaagi doono inay hesho hubka Nukliyeerka ah ay la macno tahay inuu awood u adeegsan doono Iran, Biden wuxuu ku jawaabay: “Haddii taasi ay tahay xalka ugu dambeeya, haa.”

Tehran waxa ay heshiis la gashay lix quwadood oo waaweyn 2015-kii kaas oo ay ku xaddidday barnaamijkeeda Nukliyeerka si ay u adkeyso in ay hesho hub taa badalkeedana ay ka  badbaado cunaqabataynta dhaqaale.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka noqday heshiiskii 2018, wuxuuna dib ugu soo rogay cunaqabateyn adag Iran, taasoo keentay in Tehran ay bilowdo ku xadgudubka xadka nukliyeerka ee heshiiska sanad ka dib.

Dadaallo lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiska ayaa fashilmay, iyadoo sarkaal sare oo Mareykan ah uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in rajada dib u soo nooleynta heshiiskan ay hoos u dhacday ka dib wadahadal aan toos ahayn oo Mareykanka iyo Iran ku dhexmaray magaalada Doha laba toddobaad ka hor.

Wadaxaajoodayaashu waxay u muuqdeen kuwo ku dhow heshiis cusub bishii Maarso, laakiin wadahadallada ayaa inta badan burburay sababtoo ah diidmada Mareykanka ee dalabkii Tehraan ee ahaa in Washington ay ka saarto Ilaalada Kacaanka Iran liiska argagixisada, iyagoo ku dooday inay tani ka baxsan tahay baaxadda dib u soo nooleynta heshiiska.

Mar la weydiiyay haddii ay ka go’an tahay inuu ilaalada kacaanka Iiraan ku sii hayo liiska Argagixisada dibadda ee Mareeykanka xitaa haddii ay taasi Baabi’inayso heshiiska, Biden wuxuu ku jawaabay: “Haa.”