Soomaaliya iyo Serbia oo ka wada hadlayay Arrimo ku saabsan Amniga

772

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada  Belgrade ee dalka Serbia, Maxamed Cabdullaahi, ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia, Aleksandar Vulin, kaddib booqasho uu ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Belgrade.

Safiirka iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Seerbiya ee dhinacyada amniga iyo tababarka Ciidamada iyo arrimo kale oo ku saabsan Gobolka Geeska Afrika.

“Dowladda Serbia waxay xiriir wanaagsan la leedahay Soomaaliya oo soo jireen ah, Seerbiya waxay noo haysaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha dowladnimada iyo kaabayaasha dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Amb. Maxamed Cabdullaahi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia, Aleksandar Vulin ayaa dhankiisa u mahad celiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada  Belgrade, isaga oo sheegay in dowladda Serbia ay diyaar u tahay la Shaqeynta dowladda cusub ee Soomaaliya.