RW Xamsa oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay kordhinta mashaariicda

766

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh Dowladda.

Maalmaha soo socda ayaa ka hor Magacaabistiisa Golaha Wasiirada waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu la kulmo Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadli doona taageerada ay dooneyso dowladda cusub iyo in loo gurmado dadka ay saameeysay abaarta