Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in xilligaan dalka Soomaaliya ay kajiraan dhibaatoyin dhowr ah oo qaarkood ay sababeen Ururka Al-Shabaab.
Wasiirka oo Maanta hadal ka jeedinayay munaasabad uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon ayuu sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya kajira ay kamid yihiin, Faqri iyo Amni la’aan ay sabab u yihiin Ururka Al-Shabaab.
Wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ha meel uga soo wada jestaan oo ay u midoobaan lana dagaalamaan Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka xilligaan kajira dalka.
Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa daba socda xilli Madaxda dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer ku cel celiyeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab balse weli uusan muuqan dagaal rasmi ah oo ay la galeen.