Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta markale kulan wadajir ah yeelanaya

596

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta markale yeelanaya kulan wadajir ah, kaas oo  ku saabsan sii wadidda Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.

Shalay Xilduibaannada labada Aqal oo kulan yeeshay ayaa waxaa hortegay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay su’aalo adag weeydiiyeen, iyaga oo siweyn uga dooday miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa Wasiirka Maaliyadda ku eedeeyay in Afartii sano ee uu xilka haayay Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wasaaraddiisa sameyn xisaabxir, isla markaana ay maqan tahay lacag dhan 193 Milyan oo Dollar.

Maanta ayaa Xildhibaannada markale ay dood adag ka yeelanayaan miisaaniyadda dowladda ee 2022, iyaga oo sidoo kale su’aalo weeydiin doonaan Wasiirka.