Dowladda Somalia oo Hay’adaha Samafalka kala hadashay gurmadka Abaaraha

563

Waxaa maalintii labaad kulan uga socdaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir ay leeyihiin Wasiirada Arrimaha Gargaarka heer Federaal & heer Dowlad Goboleed iyo Hay’adaha African Development Bank , Urur Goboleedka IGAD iyo Hayadda Save the Children Somalia.

Ujeedada Shirka ayaa ah in laga doodo mashruuca Gurmadka ee African Development Bank ka hirgeliyey Soomaaliya 2018-2021 iyo in la iska wareysto Baahida xaaladaha Bani’aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa kulanka ka jeediyey warbixin faahfaahsan sida abaarta u saameeysay deegaanada Koonfur Galbeed oo sababay barakac baahsan iyo sida Mashruuca ay maalgelisay AFDB loogaga faa’iideystay deegaanadda Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in Abaarta ay si daran u saameysay Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, isaga oo ka codsaday African Development Bank iyo IGAD iney gurmadka abaartan ka qeyb qaataan, wuxuuna uu sigaar ah ugu mahadceliyey Hayadda Save the Children Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ka wadaan deegaanada Koonfur Gakbeed.

Meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya waxaa kajira abaar daran oo saameysay dad iyo duunyo, iyada oo dadka Soomaaliyeed aysan helin gurmadkii loo baahnaa.