Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo muqdisho ka wada kulamo looga hadlaayo doorashooyinka

849

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed (Khadar).
Kulanka waxaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah ee doorashada dalka oo haatan meel geba-gabo ah maraya.
Raiisul Wasaare ku xigeen, Xildhibaan Mahdi Guleed oo u hambalyeeyay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalada socda ee looga gol leeyahay dhameystirka doorashooyinka iyo soo af-jaridda marxaladda kala guurka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo booqasho ugu tegay Hooygiisa.
Kulan gaar ah oo ay geesheenayaa wuxuu ujeedkiisu ahaa salaan iyo hambalyo, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu Guddoomiye Aadan Madoobe uu Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.
Kulamada looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ayaa si joogta ah uga socdo Magaalada Muqdisho, iyada oo dhawaan la dooran doono Madaxweynihii Soomaaliya xukumi lahaa Afarta sano ee soo socota.