Roob lagu diirsay oo ka da’ay deegaanka biroole iyo degaanada ku xeeran

1154

Gudoomiyaha deegaanka cabdalal Biroole muqtaar taakoy cusmaan oo u waramay radio kismaayo ayaa waxa uu ka warbixiyey roobka guga oo ka curtay deegaanka biroole iyo deegaanada ku xeeraan waxa uuna sheegay Gudoomiyaha in dadka iyo duunyada ku nool deegaanka ay aad ugu baahi qabeen roobka ka da’ay deegaanka oo ahaa mid xoog badan oo saacado badan da’aayay

Gudoomiye muqtaar ayaa waxa uu sheegay in maalintii shalay uu roobka oo saacado badan da’ay uu ka bilawday deegaanka biroole iyo deegaanada kala ah
Yaaq bishaara, shariifada,lagta, yaaq dhuun iyo deegaano kale waxa uuna sheegay in roobka waxa qasaaro ah uusan u geeysan dadka deegaanka inkastoo uu carabka uu ku dhuftay in geel uu ku jabay Gudoomiyaha ayaana waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay saakay yaanbooyinka ay u qaateen tacbashada beeraha maadaama mudooyinkaan danbe abaaro aad u daran ay ka jireen deegaanka

Roobka ka da’ay deegaanka cabdalal Biroole iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo mudooyinkaan danbe deegaanka laga dareemayay kuleel aad u daran isla markaana ay dadkii iyo xoolihii ku noolaa ay u ama baxeen deegaano ka tirsan gobolka oo uu roobka horay ugu da’ay maadaama deegaanka biroole iyo deegaanada ku xeeraan ay ka mid ahaayeen deegaanada abaaraha ay saameeyeen