wasiirka wasaarada deegaanka iyo dalxiiska jubbaland caydiid sulaymaan xaashi ayaa maanta xillalka ukala wareejiyay kusimaha agaasimaha wasaarada deegaanka iyo dalxiiska jubbaland aadan maxamed shariif iyo agaasimihii hore ee wasaarada deegaanka iyo dalxiiska jubbaland zeynab rashiid cigge oo haatan loo wareejiyay wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada jubbaland.
munaasabada ayaa waxaa goob joog ahaa xubno isugu jirra labada gole ee jubbaland iyo xubno kasocday guddiga shaqada iyo shaqaalaha jubbaland
agaasimayaasha xilalka kala wareegay ayaa waxa ay ballanqaadeen inay ka wada shaqayn doonaan hormarinta wasaarada iyo isdhaafsiga qibradaha shaqo ee wasaartada.
wasiirka wasaarada deegaanka iyo dalxiiska jubbaland oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu umahadceliyay agaasimihii hore ee wasaarada shaqada baaxada leh ee ay ka qabatay wasaarada waxaana dhanka kale uu booriyay kusimaha agaasimaha wasaarada isagoona kula dardaarmay inuu sii laba jibaaro dadaalada horay ay uwaday agaasimihiik hore ee wasaarada.
dhawaan ayay ahayd markii warqad kasoo baxday xafiiska guddiga shaqada iyo shaqaalaha jubbaland lakala wareejiyay agaasimayaasha wasaaradaha jubbaland waxaana maa;mihii dambe socotay xilal ukala wareejinta agaasimayaasha wasaaradaha isbadalka lagu sameeyay