
Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa hal Sanno oo xarig ah iyo 3 Milyan oo ganaax lacageed waxa ay maanta ku xukuntay shan ninĀ oo hore loogu soo eedeeyey in ay si sharci-daro ah uga ganacsanayeen xayawaanka Hari-macadka.
Ragga la xukumay ayaa 14-kii bishii March ee sannadkan lagu soo qabtay hawl-gal ay si wada jira u fuliyeen Wasaaradda Deegaanka iyo Ciidanka Booliska Somaliland.
Dhinaca kale kale Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex waxa ay isla maantaba ku wareejisay Wasaaradda Deegaanka labo ka mid ah Harimacadkii lagu soo qabtay eedaysanayaashii, halka labo kalena ay bakhtiyeen.
Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa xukuno kala duwan ku rideen Rag Ajaanib ahaa, kuwaas oo lagu helay inay si sharci darro ah u kalluumeeysanayeen.