Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland, H.E Mohamud Sayid Aden oo uu weheliyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Jubaland, Hon. Abdirahman Abdi Ahmed ayaa maantay goob-joog ka noqdeen xaflad uu Agaasime Ayaanle Xuseen xilka kula wareegayey, taas oo Guddiga Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland uu garwadeen ka ahaa.
Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Gargaarka, Mudane Faarax Mukhtaar Daa’uud, Xildhibaano, Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Shaqad iyo Shaqaalaha Jubaland iyo marti sharaf kale.