Puntland oo dil toogasho saaka ku fulisay Nin dil geystay

892

Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Puntland ayaa saaka waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere) kaas oo loo haysto dilka marxuum Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) oo ka tirsanaa hay’adda PMPF.

Maxkamadeynta Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere) ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana ugu dambeyn maxkamaddu ay dil toogasho ah ku riday 3-dii Bishii Febaraayo ee sanadkaan 2022.

Dilka Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) ayaa ka dhacay 30-kii Bishii September ee sanadkii 2021 duleedka Magaalada garoowe, waxaana suurto gashay in Ciidamada ay qabtaan Ninka dilka geystay.

Goobta toogashada oo kutaalla Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil katirsan Maxkamada Ciidamada Puntland, ehelada Marxuumiinta kala ah Bootaan Maxamed Bootaan ( Cawl) iyo Maxamed Cabdulqaadir Muuse (Af-dheere). waxaana tooashada fuliyay qoyska Bootaan Cawl.