Doorashada kursi adag oo Maanta ka dhaceysa Beledweyne

904

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta oo Axad ah Magaalada Beledweyne ku qabanaya doorashada kursiga Hop#058 oo ay ku tartamayaan musharrixiin farabadan.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay ilaa 7 musharrax oo kursiga Hop#058 ku tartami doona, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Nuur Iidow Beyle, balse uu sheegay in uu ka tanaasulay, waxaana musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: En, Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.

5: Maxamuud Afdhuub Makaraan

6: Cabdullaahi Axmed Xuseen

7: Ubax Cali Sheegow

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa weli u harsan doorashada kuraas kale oo uu kujiro kursiga Hop#135 oo ay horay ugu fadhiday Alle ha u Naxariistee Aamino Maxamed Cabdi oo dhawaan qarax lagu dilay Magaalada Beledweyne & kuraas lagu dooranayo Magaalada Jowhar