Taliska Booliska gobolka Hiiraan oo sheegay inay baarayaan dadkii ku lugta lahaa qaraxyadii ka dhacay Baladweyne

908

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan, G/sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ciidanka booliska ay wadaan baritaanno la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii la shaqeeyay kooxahii ka dambeeyay weerarradii xalay ka dhacay magaalada Baledweyne.

Col; Isaaq Cali oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in falkani ay geysteen dad naftooda halligay balse ay baaritaan ku hayaan ciddii soo maleegtay iyo halka laga soo abaabulay, wuxuuna intaa ku daray inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku hor keeni doonaan caddaaladda.

Dadkii ku waxyeelloobay qaraxyada ka dhacay Baladweyne ayuu sheegay inay kor u dhaafayaan 30 qof welina ay wadaan baaritaanno, si loo ogaado tirada inta ay gaarayaan dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay weerarrada.

G/sare Isaaq Cali Cabdille taliyaha qeybta Boliiska gobolka Hiiraan ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ka codsaday in dhaawacyada sida ay u kala culusyihiin la qiimeeyo, wixii aan wax laga qaban karinna loo qaado Isbitaallada Muqdisho si loola tacaalo.