Muwaadin Soomaaliyeed oo Walaalkiis ku dilay Mareykanka

753

Ciidamada Booliska magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Sakariya Hirad oo ah wiil Soomaali ah uu walaalkiis ka weyn oo lagu Magacaabi jiray Maamed Hirad ku dilay gurigooda oo ku yaala waqooyiga magaaladda COLUMBUS  ee dalka Mareykanka.

Dilka ayay Ciidanka Booliisku sheegeen in uu ka dhacay xaafada ay qoyska wiilasha walaalaha ah ee is dilay ay degen yihiin oo ku taala waddada Lepage Court, magaaladda Columbus ee gobolka Ohio.

Wiilka Walaakiisa dilay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Sakariye Hirad oo 20 Sano jir ah, waxaana dilka Walaalkiisa uu u adeegsaday Tooreey ama Mindi, iyada oo dhaawac halis ah oo soo gaaray uu ugu geeriyooday Isbitaalkii la geeyay si loogu daaweeyo.

Booliiska ayaa sheegay in Sakariya Hirad ay ku wadaan baaritaano la xiriira sabaha keenay in uu Walaalkiisa dilay, iyada oo Mareykanka bilihii la soo dhaafay ay kusoo bateen dilalka loo geeysanayo Soomaalida.