Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shir ka dhacaya dalka Masar

952

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Wasiirka ayaa dalka Masar waxaa ay kaga qayb gelayaan meertada 157-Aad ee shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira.

Inta uu socdo Shirkaa ayaa wufuudda joogtada ahi waxa ay ka doodi doonaan ajandaha qabyo qoraalka ah ee shirka Wasiirada, oo ka kooban 11 qodob kuwaas oo saabsan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, amniga, maaliyadda iyo maamulka, iyada oo la dhageysan doono Warbixinta xoghayaha Guud ee intii u dhaxaysay labadii kalfadhi ee ugu dambeeyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse ayaa la filayaa in uu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, caqabadaha iyo Warbixin la xiriirta halka ay marayaan doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doonaa Wasiiro arrimo dibadeedyada ka qeyb galaya Sgirkaas, iyaga oo ka wada hadlin doona xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya.

Sanad kasta Soomaaliya ayaa ka qeyb gasha Shir madaxeedka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta, waxaana ay u gudbisaa warbixino kusaabsan xaaladda Soomaaliya iyo baahiyaha kajira.