
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland, Hon. Abdirahman Abdi Ahmed ayaa maanta galinkii dambe ku qaabilay xafiiska wafti ka socday Hay’adda Save The Children oo horkacayo wakiilka u qaabilsan Soomaaliya.
Mudane Cabdiraxmaan ayaa warbixiin ka siiyay masuulka arimaha abaaraha iyo dhibaatooyinka taagan hada oo u baahan gurmad deg deg ah.
Waxaa kale oo wasiirka uu kaga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ka haayaan Jubaland gaar ka taageeridda Wasaaradda hergalinta qorshaha Maareynta Musiibooyinka iyo Arimaha Bini’aadanimada 2022-2026.