Beeralayada deegaanka Goobweyn oo sheegay in dalagyada ay beereen ay waxyeeleyeen biyaha webiga oo dhanaan noqday

1105

Beeraleyda ku dhaqan deegaanka Goobweyn ee waqooyiga magaalada kismaayo ayaa waxaa ay cabasho ka muujiyeen biyo la’aan ka jirta deegaankaasi kadib markii biyaha ay wabiga ay isku badaleen dhanaan.

Dadkani beeraleyda ah ayaa sheegay in biyaha wabiga aan lagu waraabin Karin beeraha isla markaasna aysan ku habooneen cabitaanka kadib markii wabiga ay soo galeen biyaha badda, waxaana ay dadkani sheegeen in beerahooda ay qatar ugu jiraan in ay biyo la’aan la baaba’aan.

Cabdullaahi xassan Rooble Ibraahim waxa uu ka mid yahay dadka beeraleyda deegaanka goobweyn waxaa uu inoo sheegay in beertiisa oo 4 hiktar ah dalagii ku beernaa uu biyo la’aan la qalalayo

Luul Maxamed Sabriye waxa ay sidoo kale ka mid tahay dadka beeraleyda goobeyn waxa ay Radio Kismaayo u sheegtay in beerteeda oo lix hiktar ah ay biyo la’aan la baaba’ayso.

Dhanka kale guddoomiyaha deegaanka goobweyn Cumar Cabdullaahi ayaa ka warbixiye xaalada deegnka iyo biyo la’aanta heesata dadka deegaanka
Dadka deeganka goobweyn oo noloshoodu ku tiirsan tahay beeraha ayaa haatan wajahaya xaalad ka duwan midii hore iyadoo ay abaarihi dalka ka jiray ay saameenta ugu badan ku reebeen dadka xoolo dhaqato beeraleyda ah ee deegaanka.