Howlwadeennada wasaaradda ganacsiga Jubbaland oo loo furay tababar sare loogu qaadayo aqoontooda

893

Wasiirka wasaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubblanad C/wahaab Axmed Cismaan ayaa maanta daahfuray tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay qaar ka mid ah howlwadeennada wasaraadda ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland.

Tababarkan oo socon doono muddo afar maalmood ah ayaa waxaa howlwadeennada wasaaradda ganacsiga Jubblanad lagu bari doonaa in ay fahan ka qaataan iskaashatoyinka iyo sida loo horumariyo

Mudane C/wahaab Axmed Cismaan wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubblanad ayaa ka warbixiyay ujeedka tababarkan iyo waxyaabaha lagu baran doono waxaana uu howlwadeendada kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’ideystaan muddada uu tababarku socon doono

Hoos ka dhageeyso codka wasiirka;