Gudiga abaaraha Jubbaland oo maanta daahfurey habka qaybinta deeq lacageed oo ka timid dowlada fadaraalka somaaliya

708

Gudiga diyaargarowga iyo ka jawaabista masiibooyinka Jubbaland ayaa maanta daahfurey qaybinta gargaar gaaraya 35,000 oo dollar oo ay dowlada fadaraalka somaaliya oogu tala gashay ka jawaabista abaarta ku dhufatay gobalada jubbada hoose iyo gobalka gedo.

Qorshaha qaybinta qoondada deeqda waxaa ay ka bilaabanaysaa gobalka Gedo, Deegaanada Kulbiyow, Kudha, Raaskaambooni, Degmada Afmadow oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose kuwaa oo qaba baahiyo deg dega ah sida ay sheegeen gudiga diyaargarowga iyo ka jawaabista masiibooyinka Jubbaland.

Cabdi Cali Xassan oo ah xubin ka mida gudiga ayaa warbaahinta la wadaagay habka ay qoondada gargaarka ugaarayso dhammaan deegaanada ay saamaysay abaarta.

Ugaas Cabdullaahi siraad Cabdi oo ku hadlayay afka dhaqanka kana mida gudiga diyaargarowga iyo ka jawaabista masiibooyinka Jubbaland ayaa umahad celiyay dowlada fadaraalka somaaliya oo deeqdan soo gaarsiisay dadka reer Jubbaland oo ay abaartu saamaysay waxaana uu sheegay in maalinta barito ah bilaabanayso qaybinta gargaarka si samanna loo qaybin doono.

Ladan xirsi ismaaciil xoghaya gudiga diyaargarowga iyo ka jawaabista masiibooyinka Jubbaland ayaa ugu danbayn saxiixday gargaarkan lacageed ee loogu tala galay deegaanada ay abaartu saamaysay ee Jubbaland.