Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda

939

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland oo maanta looga hadlay qodobo kale duwan.

Kulanka waxaa ugu horreyntii Madaxweynaha golaha uga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii loosoo dhameeystiri lahaa xubnaha kamid noqonaya kuraasta Aqalka Hoose ee Barlamaaka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimadka ee Jubaland ayaa kawar bixisay xaalada Caafimadka ee deeeganada Jubaland, waxa ay golaha u soo gudbisay in wali ay taagantahay xaalada COVID-19 isla markana ay wadaan wacyi galinta bulshada iyo dadaalada ay xanuunkan ku xakamayn lahaayeen.

Wasaarada Amniga Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa golaha u soo gudbisay warbixino la xiriira amaanka deegaanada Jubaland. waxa ay sheegtay in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan laamaha amniga maadaama uu dalku kujiro doorasho kooxaha dhagar-qabayaasha ay isku dayayaan sidii ay ku dhibaateen lahaayeen dadka biramageeyada ah.

Dhinaca kale golaha wasiiradda ayaa ansixiyey heshiis ay wada galeen Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Jubaland iyo shirkad ganacsatada Jubaland ay leeyihiin, taas oo maalgashi ku sameeyn doonta keydka shidaalka ee ku dhaxyaala Dekada Kismaayo si loo hormariyo ilaha dhaqaale oo ay ku tiirsantahay Jubaland.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubaland ayaa sheegtay in deegaanada Jubaland ay wali ka jiraan abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka, gurmadyo kale duwana ay wali ka wado deeganada ay abaaruhu ka jiraan.