Beeralayada Goobweyn oo lagu deeqay agab ka caawinaya wax soo saarka beeraha

1400

Dadka ku nool deegaanka Goobweyn oo inta badan ku tiirsan wax soo saarka beeraha ayaa la siiyey agab-ka ka caawinaya qodista beeraha sida uu radio Kismaayo u xaqiijiyey Gudoomiyaha deegaanka Goobwyn Cumar Cabdullaahi.

Agabkaan oo isugu jiray matooro loogu tala-galay in dadka beeraha ku waraabsadaan ,qalabka beeraha cayayaanka laga buufiyo iyo kuwa lagu qodo ayaa la siiyey lixdan qoys oo beeralay ah, waxaana agab-kaan dadka siiyey wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland oo kaashanaysa hay’adda badbaada caruurta ee dalka UK.

Maxamed Ibraahim oo ka mida beeralayada deegaanka Goobweyn ayaa nooga warbixiyey muhiimada uu qalabkaan la siiyey u leeyahay dadka beeralayada ah.
Beeralayada deegaanka Goobweyn in kasta oo xili raabadyadii u danbeeyey uu aad ugu yaraa roobka,hadana agab-kaan la siiyey waxaa ay u qabeen baahi wayn sida uu sheegaayo Cabdullaahi Xajar Rooble.

Gudoomiyaha Goobweyn Cumar Cabdullaahi oo isagana la halay Rdio Kismaayo ayaa ka warbixiyey qaabka u uku imaaday qalabkaan.